Local News

Nin xalay Rasaas la dhacay Saldhig Boosaaso ku yaal iyo falkii xalay oo durba Kooxda Argagaxisadda ee Alshabaab dusha laga saaray iyo Sababta ku kaliftay ninka caraysan inuu rasaas la dhaco S

2 years ago 47,799

Nin ka carooday Sandaqaddo sharci-darro ah oo shalay Booliiska Magaaladda Boosaaso ka dumiyeen,ayaa xalay isagoo caraysay,rasaas la dhacay Saldhiga Booliiska Boosaaso ee Baaladda loo yaqaan.

Ninkan oo ka ganacsadda Khamradda ayaa shalay laga dumiyay 3-Sandaqaddo oo si sharci-darro loo dhisay 5-sanno ka hor.

Booliiska Boosaaso oo amar ka heysta Dawladda-Hoose ee Degmadda Boosaaso ayaa shalay bur-buriyay dhamaan Sandaqadihii sharci-daradda ahaa ee Boosaaso ku yaalay.

Soomaaliya ayaa dhaqan ka noqday in falkasta oo dhaca lagu shaabadeeyo Kooxda Argagaxisadda ee Alshabaab oo magacoodda qofkasta oo Dembiile ah uu ku qaraabanayo kolka uu fal dambiyeed ku kaco,waana midda sababtay durba arintii xalay Saldhiga Baaladde ka dhacday in dusha loo saaariyo Argagaxisadda Alshabaab.

Kuwa aan Saxaafadda waxba ka aqoon,ayaa durba arintan u saaray Kooxda Alshabaab ee Buuraha Gal-gala ee Mashruuca ay ka dhigtaan Maamulka Puntland si Malaayiin-Doolar Shirkadda Saracen looga cunno,waxaana ay qorayaan Alshabaab inay weerartay Saldhiga Baaladda,halka Tooshka Wareega ee Shacabkamedia oo Boosaaso ku sugan ay xog dhab ah ka helayso,in ninka rasaasta la dhacay Saldhiga Baaladde ee Boosaaso shalayto 3-Sanqdadood uu lahaa laga bur-buriyay,isagana xalay rasaas la dhacay saldhiga Boosaaso,inkastoo la baadi-goobayo halka uu Boosaaso kaga sugan-yahay.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 



COMMENTS
MORE STORIES