Dhacdooyin

Nin xasuuqay 8000-Muslin ah oo xabsi daa*in lagu xukumay

3 weeks ago




Taliyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa lagu xukumay madaxaa ha ku furto ka dib markii lagu helay dambiyo xasuuq ah iyo dilal kale oo uu ka gaystay dagaalkii Bosnia ee sagaashamaadkii.

Waxa loo yaqaan "Hilibliha Bosnia" Mladic wuxu hogaamiyey xoogag intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica oo lagu eedeeyay inuu dilay 8000-Muslimiin ah  iyo go'doomintii Sarajevo

Maxkamadda qaramada midoobay ee Hague ayaa ku heshay 10 ka mid ah 11 eedood.

Mladic 74 muu joogin maxkamada markii xukunka la akhriyayey, waxa la saaray isagoo ku qaylinaya xaakimiinta.

"Waa been. Wax kasta oo aad qolkan maxkamada ka tidhi waa been" ayuu yidhi.

Dilaacani wuxu yimid ka dib markii xaakimiintu diideen codsiga kooxdiisa oo doonayay in la hakiyo maxkamadaynta sababtoo ah Mladic oo dhiigu ku karay.

Mladic wuu beeniyey dhamaan eedaymaha looyarkiisuna wuxu yidhi racfaan buu ka qaadan doonaa.



COMMENTS
MORE STORIES