Dhacdooyin

(Østfold):Wiil Soomaali ah(7-Jir)oo meydkiisa laga helay balli biyo xireen ah(Dam)

3 weeks ago



Wiil Soomaali ah oo da*diisa lagu sheegay 7-sanno jir oo ilaa iyo shalay ay ka wel-wel sanaayeen qoyskiisa,ayaa meydkiisa quusayaal ka soo saareen goob biyo xireen ah oo ku dhaw Iskuulkii uu dhigan-jiray.
Booliiska Magaaladda Askim ee Gobolka Østfold ee falkan geeridda uu ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in muddo saacaddo ah meydka Wiilkan 7-jirka ah uu sabaynayay biyaha balliga biyo xireenka,waxayna u badan-tahay inuu biyaha gudhiisa ku dhex geeriyooday.
Wiilkan ayaa shalay la filayay qof qoyskiisa ka mid ah inuu iskuulka ka soo kaxeeyo,balse cunugan geeriyooday ayaa iskiis u codsaday inuu gurigga isaga lug ku imaanayo
Booliiska Gobolka Gobolka Østfold ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan qaabkii uu wiilkan u geeriyooday,balse goorta ay baaritaanka dhameeyaan ayay saxaafadda la hadli doonaan.
Macalimiinta iyo Ardaydii Iskuulkii uu dhigan-jiray ee Askim ayaa baroordiiq ku jirra,waxaana guddi la tacaalla musiibooyinka loo diray qoyska Marxuumka oo 2-Gabdhood oo  walaalo ah oo Wiilka la dhashay ay ka mid yihiin ardayda dhigta Iskuulka Askim


COMMENTS
MORE STORIES