Local News

Dulaal-Sare C/qaadir Shiikheey oo diiday amarkii Xukuumada Farmaajo diidayna inuu xilka ku wareejiyo Axmed Galoobal

4 days ago




Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta  Dulaalsare C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyo kaddib is bedel lagu sameeyay.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 24-kii bishii hore ee October ayaa ka mid aheyd warqado loo kala diray Safiirada illaa 8 dal oo dhowaan la bedelay, hase ahaatee qaarkood la sheegay inay ku gacan seyreen is bedelka.

Toooshka Wareega ee Shacabkamedia  ayaa ogaatay  C/qaadir Shiikhey uu ka dhega adeegay inuu dalka yimaado, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wargelisay Dulaalsare  C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta
Dulaalsare C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaasha ugu cimriga dheeraa oo muddo 10 sano ka badan ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa Danjirayaasha ugu awooda badan, gacan saar dhowna la lahaa Imaaraadka Carabta.

Hoose ka akhriso Warqada loo diray Dulaalsare Danjire C/qaadir Shiikhey oo diiday inuu xilka ku wareejiyo Axmed Galoobal:-




COMMENTS
MORE STORIES