Local News

Muuqaal:Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga oo is-casilay

1 week ago



Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo Warqada istiqaaladiisa u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii toddobaadlaha ee ay maanta Muqdisho ku yeesheen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Wasiirka uu isu casilay arrimo shaqsiyadeed.

Dhanka kale, wax yar ka hor iscasilaadda Wasiirka, waxaa wasaaradiisu ay u gudbisay golaha wasiirada iscasilaadda Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) oo isna sheegay inuu iscaslay.


Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod,  Waxaana sida wax u dhaceen ka warbixiyey Wasiir Yariisow.
Muuqaal:Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga oo is-casilay:



COMMENTS
MORE STORIES