Editors Pick

Dulaal-Sare Gaas oo riyadiisii u rumoowday:M/weynaha M/weynayaasha Dawlad Goboleedyadda oo Kismaayo loogu doortay?

1 week ago



Dulaal-Sare Gaas oo ahaa shaqsigii Xulafadda Scauudiga u xilsaarteen inuu Maamul Goboleedyadda ka horkeeno Dawladda Federaalka oo lagu colaadinayo,maxaad dhex-dhexaadd uga noqoteen khilaafaadka Khaliijka,ayaa riyadiisii u rumoowday,kadib markii loo doortay Madaxweynaha Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda.
C/weli Gaas oo xiligii Reysalwaraaha Ku-meeel-gaarka ahaa Farmaajo oo xiligaan Madaxwene u ah Dawladda Federaalka,ayaa ku riyoonaya,inuu kursiga ka kacsaddo Farmaajo,isagoo markaan loo caleemo-saaray Madaxweynaha Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.
Gaas ayaa ku fikiraya,sidii dhacday shirkii(Kampala-Acord)ee kursiga  Reysalwasaaraha si xeeladaysan looga qaaday Farmaajo,in markan uu ku haminayo inuu kursiga ka rito saaxiibkiis siyaasadda ku soo daray ee Wasiirkii Iskaashiga ka dhigay,inuu markana ku riyoonayo,inuu kursiga Madaxweynanimadda ku qabsaddo.
Waxaa xusid mudan leh,fidnadda Dawladda Federaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyadda inuu bilaabay C/weli Gaas oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee Xulafadda Sacuudiga la saftay,isagoo Xaj-siyaasadaysan iyo sadaqo siyaasadaysan lagu laaluushay,waxayna sababtay fidnadda maanta ka dhex aloosan Dawladda Federaalka iyo Maamul goboleedyadda,inkastoo caradii isaga Dawladda Federaalka u qabtay,ay kula dul-dhacday Madaxweynaha GalMudug Xaaf oo maamulkiisa uu yahay mid kab-kab ah oo la isku keen-keenay(Galnus),balse loo baahnaa Xukuumadda Farmaajo iyo Reysalwasaare Xasan Bille inay indhaha u guduudiyaana,runtana u sheegaan Dulaal-Sare Gaas oo maanta Riyadiisii u rumoowday,loona doortay Madaxweynaha Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda
Qalinkii:Isbaarada Maanta


COMMENTS
MORE STORIES