Opinions

Taladii aan siiyay Madaxweyne Farmaajo maalintii la doortay ee 8-da Febraayo?ma ku saxsanaa mise waan ku khaldanaa?(Allaahumaa Ballaqtu)(Illaahoow ma gaarsiiyay):Qalinkii:Suldaan Godo-Godo

4 months ago



Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta oo taariikhda ay ku beegan-tahay(8-da Febraayo 2017) Xildhibaano ka careysan fara-galinta General Gabre iyo inay is-dhaafiyaan Xasan Culusoow inaan mar labaad la dooran codkoodda ku ciil-baxay inay ku doortaan,nasiib-wanaagna waxaad ku soo baxday cod gaaraya 184-Cod

Ma jecli maqaal-dheer inaan halkan ku xardho,balse hal tallo  oo qurra ayaan kuu jeedinayaa Jaale Farmaajo,hadii aad  qaadatid waad guuleysanaysaa,hadii aadan qaadana waa guuldareysanaysaa.

Madaxweyne waxaa kaa horeysay 8-Madaxweyne,dhamaantood waxay ku fashilmeen markii ay saldhigteen Magaaladda Muqdisho oo ah Qabri ay ku hungoobeen Madaxweynayaashii kaa horeeyay.

Adigoon aan 6-Bilood,dhameysan waxaan ku tusayaa,in Reysalwasaariha aad soo xuli-doonto,Mooshin laga keeni-doono,sanad kadibna adigaa kawaanka saaran.

Xildhibaanadda adiga ku doortay intooda badan waa calooshad la cayaar,qurbaha ku soo saaqiday,qaarkoodna waa Dagaal-oogayaal,mana aha Dad ka naxaya Shacabka Muqdisho oo ah Dad gob ah oo Dawlanimo-jecel,balse ay dushoodda had iyo jeer ay ku gor-gortamaan Xildhibaano kolkii la doortaba Hoteelo deggo,kuwaas oo aan ku dhici-karin guryo inay Xamar ka kireystaan

Mideeda kale Ciidanka Jufadda u badan ee Muqdisho ku suggan ee 27-sanno Xamar-Cadeey gacanta ku haya,hadii aan la qarameyn,loona ekeysiin ciidan qaran,waxaa dhici-doonto,marna inay tuute gashtaan oo muuqaal ciidan yeeshaan,marna inay Alshabaab u xuubsiibtaan.

Hadaba hadii aad doonaysid inaad guuleysatid,waxaan talo kugu siinayaa,Shacabka Magaaladda Muqdisho culeyska halaga qaaddo,waxaana talo kugu siinayaa inaad  Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka aad ka wareejisaan,oo aad tusaale ahaan,Degmadda Baraawe ee Gobolka Sh-Hoose oo Muqdisho iyo Kismaayo kala barto aad si ku-meel-gaar  ah aad Caasimadda uga dhigtaan.

Madaxweyne Dalka Malaawi oo dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay,dhawrkii sanaba Tuulo ayaa Caasimad loo raraa,marka ha u arkin in Dad qaas ah lagu xumeynayo,hadii Muqdisho si ku meel gaar ah Caasimadda looga raro,waxaan ku rajo-weynahay Shacabka Xamar inay ka nasan-doonaan,dhibka ay ku qabaan,inay nasiib u yeesheen,Muqdisho inay tahay Caasimadda Soomaaliya,balse qarax iyo Tacsi aan dhamaan ayay ka faa*ideen ee fadlan Dadweynaha Xamar culeyska halaga dulqaaddo

Hadii aad ku adkeysatid Muqdisho inaad saldhigatid,doorashadda 4-ta sanno lagu doortay waxa ay ku dambeyn-doontaa(Hal bacaad lagu lisay)

Koley aniga waxaan ka mid ahay Dadka aaminsan doorashadda lagu doortay inaysan waxba soo kordhinaynin,inta ay Muqdisho tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,balse waxaan ku taageerayaa kolka aad Qabriga Muqdisho ee 8-da Madaxweynihii ee hore ay ku hungoobeen aad ka bedeshid Caasimadda una wareejisid Xukuumadda Magaallo  aan aheyn Xamar,hadii aadan taladdan qaadan,doorashadaada 4-ta sanno waxay ay ku dhamaan-doontaa:Shimbiryahoow Heesa,Hees,wanaagsan Heesa)

Shacabka Muqdisho waxaan leeyahay hadii Madaxweynaha aan dooranay maanta(8-da Febraayo 2017)aydan la shaqeynin,inuu fashilmayo,waxaan cadowkiisa koowaad noqon-doono Xildhibaanadda maanta codkoodda ku ciilbaxay ee ujeedada ay tahay oo qurra Xasan Culusoow is-dhaafiya

Xasuusin:Muqdisho Xuduntaydaa ku aasan oo Magaalo aan Caalamka ka jeclahay ma jirto,laakiin Soomaalidda runta ayaa dhibto,waana midda sabbatay 27-sanno inaan iska daba-wareegno,waxaana Xildhibaanadad qaarkood u qaateen,inay Xamar-Cadeey dhaqaalo ka sameeyaan,iyagoo aan ka nixin Shacabka duntoodda iyo qalbigoodda wanaagsan-yahay ee Gobolka Banaadir ku dhaqan,kuwaasoo aan shaki ka qabbo 6-Bilood isagoo aan saldhigan Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada Reysalwasaaraha uu dhisi-doon,inay Mooshin ku bilaabaan.

Allaahumaa Ballaqtu(Illaahoow ma gaarsiiyay)

Qalinkii:Suldaan Godo-Godo

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com



COMMENTS
MORE STORIES