Editors Pick

Iiraan iyo Turkiga oo Dayuuraddo raashin ah oo iib ah Qatar u soo diray iyo Xulafadii Sacuudiga oo ka naxay cuna-qabateyntii inay ka fashilantay Sujuudii Doha ay ka filayeena ay ka faa*ideen

4 months ago



Iiraan(Aala-Khumeyni) iyo Turkiga ayaa Dalka Qatar u dirtay Diyaaraddo Wadda Cunto kaddib markii ay ka codsadeen 2-daas Dal  Iraan in ay ka caawiyaan cunno yaridda soo wajahday
Arrintan waxaa sababay kaddib markii xiriirka ay u jareen Sacuudiga iyo Imaaraadka-Carabta oo o inta badan ay cuntadda ka soo dhoofsan jirtay.

Turkiga iyo Iraan waa Waddamada kaliya ee si rasmi ah ula saftay Qadar,waxaana ay ka digeen xasaradda oo sii socota,taasoo qalibi jab ku ridday Sacuudiga iyo xululafadiisa oo hadda wiishka ku yeeray,kadib markii ay ogaadeen cuno-qabateentii Qatar ay saareen inay socon-weyday,ayna dagaalkii khaliijka u dhaxeeyay ay ka faa*iday Dawladda Iiraan oo Walaaltinimo u muujisay Shacabka Qatar oo hadda kala ogaaday cadowgoodda iyo saaxiibadoodda
Wasiirka arrimaha dibadda Iraan Maxamed Jafad Shariif ayaa ku sugan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga isaga oo Turkiga kala hadlaya sida ay u wajihi karaan Carabta xiriirka u jartay Qadar.

Turkiga waxaa uu Ciidan Milatari ah u dirayaa Dalka Qatar,Baarlamaanka Dalkaas ayaana meel mariyay in 5000 Askari loo diro Dalkaas,taasoo niyadiisa ka sii dishay Sacuudiga iyo xulafadiisa oo markii iska dhaa-dhiciyay,Qatar wey idiin sujuudayaan oo amarkiina ayay u hogaansamayaan,waxaana cuna-qabateeentii Dalkaas la saaray ay guul-siyaasadeed u noqotay Dalka Iiraan oo ka faa*ideystay dagaalka lagu gu*doomiyay Qatar.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 



COMMENTS
MORE STORIES