Dhacdooyin

Ciidamada Amisom oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku bahdilay Wasiirad Drs Maryan Qaasim iyo Fariin ay soo dhigtay?(Waa nasiib-darro Dadka rajo kasugaya Xamar oo Afrikaan soo shaqo tagay Wasi

6 months ago




Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Adde International Aiport ayaa tallaabo sumcad darro ah ku sameeyey wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Maryam Qaasim.


Ciidamada AMISOM ayaa Madina Gate u diiday inay galaan wasiir Maryan iyo wafdi ay hoggaamineysay oo shir ku lahaa gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxayna la ballansanayeen Madaxda Midowga Yurub ee Soomaaliya.


Ciidamada AMISOM ayaa ku dooday inaan lasoo ogeysiin imaanshaha wasiirka, sidaas darteedna aysan macquul aheyn inay gasho garoonka.


Arrintaan ayaa noqoneyso mid sharaf dhac ku ah wasiir Maryam oo lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu daacadsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyadoo waxqabadkeeda la arkay xilligii xukuumaddii Tayo.


Maryan Qaasim oo farriin kulul soo dhigtay barta ay ku leedahay meelaha ay bulshada ku sheekeysato ayaa arrintaas ku tilmaamatay inay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna ku sheegtay falkaas inaysan AMISOM u heli doonin wax cudur daar ah.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso hadalka Wasiirada oo ay kusoo qortay afka Ingiriiska:

“We are working under difficult circumstances in Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from condescending behaviour from AmisomSoldiers towards me &  my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable” Maryan Qasim

Waxay sheegtay inay ku shaqeenayaan xaalad adag oo ka jirto Soomaaliya, balse aan wax cudur daar ah loo heli doonin falkii ay iyada iyo gabar la socotay kula dhaqaaqeen ciidamada AMISOM oo uu diiday inay galaan Al-baabka loo yaqaan MIA Madino oo ka tirsan garoonka Diyaaaradaha Muqdisho.

Waa nasiib-darro Dadka rajo kasugaya Xamar oo xitaa Wasiiradii Afrikaan soo shaqo  tagay ku bahdilayaan:

Qalinkii:Bahdilaada Maanta

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com



COMMENTS
MORE STORIES