Dhacdooyin

Shaqaale diyaaradeed oo haweenay hawada-sare kaga umuliyay iyo rakaabka oo kaalmeeyay

6 months ago





Shaqaalaha diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayay diyaaradoodii cagadhigatay iyaga oo uu ku weheliyo qof dheeri ah, ka dib markii ay haweenay dhashay gabadh iyadoo diyaaraddu dhulka ka sarayso 12,800 oo mitir.

Rakaabka ayaa sidoo kale gacan ka gaystay dhalmada oo timid wax yar uun ka dib markii ay diyaaraddu duushay.

Diyaaradda ayaa safarka ka billawday caasimadda dalka Guinea ee iyadoo ku sii jeeda magaalada Istanbul, balse sii maraysay magaalada Ouagadougou ee dalka Burkina Faso.
Shaqaale diyaaradeed oo haweenay hawada ka dhaliyay

Hooyada iyo gabadheeda yar ayaa loo sii qaaday Isbitaal sidaadii ay diyaaraddu u cagadhigatay caasimadda Burkina Faso waxaana la sheegay Xaaladooda caafimaad in ay wanaagsantahay

Shaqaalaha diyaaradda ayaa dareemay Haweenayda oo lagu magacaabo Nafi Diaby oo lahayd Uur in ay fooli hayso, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines

Source:BBC

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com



COMMENTS
MORE STORIES