8-da bisha Insha-alaah ayaa la kala ogaanayaa M/weynaha Puntland inay run ka tahay inuu xiriirka u jaray Kooxda Damjadiid ee Maamulkiisa ku soo xadgudbay:Qalinkii:Tooshka Wareega

2014-08-04 09:57:38

8-da bisha Insha-alaah ayaa la kala ogaanayaa M/weynaha Puntland inay run ka tahay inuu xiriirka u jaray Kooxda Damjadiid ee Maamulkiisa ku soo xadgudbay.
Hadii uu Garoonka Garoowe ku soo dhaweeyo Reysalwasaare(Yuulka)markaas Madaxwayne Cabdiweli M Cali Gaas waxa uu luminayaa kalsoonidii 1-da bishii Agoosto ee sanadkan ay siiyeen Shacabka Puntland,laakiin hadii uusan Garoonka ku soo dhaweyn,sidii Ciiltire ku sameeyay Reysalwaarihii hore (Saacid)markii uu yimid sanadkii 2013-ka Garoonka uguma tagin,isagoo tusayay Kooxda Damjadiid inuusan siyaasadooda la dhacsaneyn.
Hadaba Gaas 8-da bisha ayaa la kala ogaanayaa,waxaana aniga kula talin-lahaa inuu Kooxda Damjadiid ula dhaqmo qaabkii Ciiltire u bahdilay (Ex-Priminster Saacid)oo Garoonka markii ka soo dagay loogu keenay Maaxtooyadda,adigana waxaan kaaga fadhinaa in Reysalwaare Yuulka,laguugu keeno Madaxtooyadda oo Garoonka aad u dirsatid M/weyne ku-xigeenkaaga C/laahi Cameey iyo Wasiiradaada oo qura,laakiin hadii ay dhacdo inaad adiga Garoonka ku soo dhawaysid,micnaheeda waxay tahay inaad taageersan-yahay Dhurwaayada Kooxda Damjadiid.

Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions