Sheekh Xasan Daahir Awees oo gurigiisa laga helay Waxyaabaha Qarxa iyo Netkii iyo Teleefoonkii oo laga gooyay

2014-05-25 23:44:51

Ciidamo uu horkacayo Taliyaha Nabad-sugidda ee Dawladda Federaalka General Bashiir Goobe oo baaritaan ku sameeyay Guriga uu Muqdisho ka degan-yahay Sheekh Xasan Daahir Awees ayaa ka helay qalab laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Sheekha ayaa laga gooyay Netkii iyo Teleefoonkii ay markii  hore Dawladda Xasan Culusoow u fasaxday,waxaana arintan baaritaanka lagu sameeyay gurigiisa ku soo aadaysaa,xili uu si xor ah Shir jaraa'id gurigiida ku qabtay uu Kooxda Alshabaab ka codsanayo inay badiyaan Qaraxyadda iyo dilalka,isagoo si qaas ah ugu dhiiri-geliyay inay beegsadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Sheekh Xasan ayaa Dawladda Federaalka ku xukuntay xabi guri (Home-arrest)laakiin mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu gurigiisa ku qabanayay Wacdi uu dhalinyaradda ka codsanayo inay laba-jibaaraan qaraxyadda.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions