Booqashadii Gaas ee Muqdisho iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee Tacsidii Aaska Qaran ka qeyb-galay oo Caasimadda Garoowe dib ugu soo laabtay

2014-02-07 21:26:56

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo guryo noqday magaalada Garowe ka dib socdaal laba maalin qaatay oo uu Muqdisho uga qaybgalay Aaska AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.


Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa Wafdiga Puntland ee Madaxweynuhu horkacayay waxa ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar,Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo taliyaasha ciidamada.

Gelinkii hore ee maanta ayaa Madaxweyne Gaas uu kaga qaybgalay Muqdisho Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia oo la keenay maanta Maydkiisa, isagoona u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku oo uu ku tilmaamay Halyeey ka baxay qaranka Soomaaliyeed.



Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions