Yaasmiin Kristensen 16-sanno kadib ayaa laga tarxiilayaa Norway waxay u dhaxdaa Norwjiyaan waxayna isu dhaleen 4-caruur ah:Qalinkii:Maxaa sababay in la tarxiilo?

2017-08-10 13:51:01

Yaasmiin Kristensen waa Hooyo Soomaaliyeed oo u dhaxda Nin Noorwjiyaan ah,iyagoo isu dhalay 4-Caruur ah ,waxaana ay Norway iska soo dhiibtay sanadkii 2001-dii oo ay magangalyo weydiisatay,iyadoo sheeganaysa inay ka soo jeedo Dalkii la oran-jiray Soomaaliya

Baaritaan iyo dabagal-dheer kadib,waxaa Hey*adda Laanta socdaalka ee UDI ku doodaysaa Yaasmiin inay ka soo jeeddo Dalka Jabuuti,beena ka sheegtay aqoonsigeedda shaqsiyeed,xiligii ay magangalyadda weydiisanaysay Dalka Norway.

Garyaqaanadda  dacwoodda ku soo oogay Yaasmiin ee ka socday UDI,UNE iyo Maxkamadda  ayaa intaba isku raacay inay Jabuutiyaan tahay,waxaana ay cuskadeen iyadoo Bogeeda Facebook ku qoratay inay tahay Jabuutiyaan ah,sidoo kale Hooyadeed kolka ay Norway booqashadda ku imaanayso,waxay isticmaashaa Baasaboor Jabuutiyaan ah

Goobaha baraha bulshadda sidda Facebook  ay asxaabteeda iyo ehelkoodda kula sheekeysan-jirtay luqadda Faransiiska oo ah luqadda labaad ee JabuutI looga hadlo,waxaana kiiskeeda

Qareenka u doodaya Hooyo Yaasmin Kristensen ayaa ku doodaya,xidaa hadii ay shaqsiyadeeda been ka sheegtay inay marwalba xaq u leedahay inay la midoowdo 4teeda caruur iyo Ninkeeda Rolf Erik oo Norwjiyaan ah.

Hooyadan Soomaalidd ah  Yaamiin Kiristensen,ayaa lagala laabtay Baasaboorkeedii Noorwjiyaanka ahaa,waxaana lagu amray muddo 2-sanno ah inaysan soo gali karin Dalka Norway,balse wixii ka dambeeya,waxaa loo ogolaaday 4teeda caruur iyo Ninkeeda Noorwjiyaan ah(Rolf Erik)inay la midoobi-karto.

Waxaa xusid mudan Sharciga Norway inuu dhigayo,hadii aad been ka sheegto shaqsiyadaada iyo Dalka aad asal ahaan ka soo jeeddo in dlashadda Noorwjiyaanka lagaala laabanyo.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions