Tirinta codadka doorashadda Kenya oo maalintii seddaxaad gashay iyo Raila Odinga oo weli diidan natiijadda hordhaca ah ee guusha Uhuru

2017-08-10 08:34:08



Tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday dalka Kenya ayaa wali socoto iyadoo madaxweynaha haatan xilka haya, Uhuru Kenyyatta uu hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee ilaa iyo hadda soo baxay. Ilaa iyo hadda 54% codadkii la tiriayay ayuu helay Kenyatta halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu helay 44%.

Balse Odinga ayaa ku gacanseyray natiijooyinka hordhaca ah isagoo ku dooday in hanaaanka kombuterada ee guddiga loo jabsaday si codadla loogu shubo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Deegaanka Tana River ee koonfur bari Kenya, booliska ayaa dilay labo qof ka dib markii ilaa shan qof ay weerareen xarun lagu tirinayay codadka oo ay tooreey ku dhufteen hal qof.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku dalbanayaan xasilooni inta ay tirinta codadka socoto.

Madaxa fulinta guddiga doorashada Kenya, Ezra Chiloba, ayaa sheegey in hanaanka combuuterada ee guddiga aan loo dhicin saacada ka dib markii guddoomiyaha guddigaasi uu sheegay in eedeyntaasi baaritaan lagus ameyn doono.

Chiloba, ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.
Image caption Fred Matiang'I wasiirka amniga gudaha Kenya

Wax yar ka dib markii uu Raila diiday natiijooyinka hordhaca ah ayaa rabashado goos goos ah waxa ay ka dhaceen xaafad ka mid ah magaalada Nairobi iyo Kisumu.

Wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Kisumu ayaa soo tabiyey in Arbacadii uu arkay boqolaal qof oo muhaadaraad ka dhigay xaafad ka tirsan magaalada kuwaasi oo ku dhawaaqayay "Raila la'aantiis, nabad ma jirto", balse markii dambe ay booliiska kala eryeen.
Lahaanshaha sawirka .

Mr Odinga ayaa saxaafada u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay"mid been abuur ah",sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada.
Image caption Wafula Chibokati guddoomiyaha IEBC

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in ay dalka ka dhacaan rabshado la mid ah kuwii ak dhacay 10 sano ka hor.
Muxuu ka cabanayaa Mr Raila ?

Mucaaradak ayaa natiijada la baahiyay ku tilmaamay been abuur sabtoo ah natiijada ma wehelin foomamka xarumaha codaynta ee loo yaqaano foom 34A iyo 34B.

"Waa khiyaali ,waa been abuur,"ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr Odinga.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa"in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay", waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

"Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,".ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada

Source:BBC

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions