Ninkii dilay Gudoomiyihii ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari oo la qabtay

2017-08-09 10:42:12



Ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa xalay gacanta kusoo dhigay Ninkii dilay gudoomiyihii hore ee gobolka Khadar Ismaaciil Cabdulle oo xalay fiidkii lagu dilay magaalada Bosaso, lama garanayo sababta loo dilay marxuumka .


Korneyl Cabdixakiin Yuusuf Xuseen taliyaha qaybta booliiska gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Ninkii dilay Marxuum Khadar Ismaaciil, wax faah faahin ah kama bixin Ninkan ay soo qabteen ciidamadu iyo wuxuu yahay.


Lama garanayo Ninkaan inuu yahay Al-shabaab iyo cid kale, balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in Ninkan Odayaasha beeshiisa ay ciidamada amaanka u gacan galiyeen.

 

Comments

Opinions