Geeri naxdin badan oo Hindiya ka dhacday:Allaha u naxariisto Suxufi-Sare Axmed-Kismaayo(Bahda Sh-Media oo Tacsi u direysa Qoyskiisa iyo Warbaahinta Soomaaliyeed)

2017-08-09 09:34:19

 

Allaha u naxariistee Waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Allaha u naxariistee suxufigii rug-cadaaga ahaa Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo maalmahan ku xanuusanaayey Dalkaas.


Axmed Kismaayo ayaa qaliin ku galay Isbitaal ku yaal magaalada Mumbai ee Dalka Hindiya, wuxuuna u geeriyooday xanuun ka haleelay dhuunta oo uu sanadihii u danbeeyey dareemaayey walow uu marba mar xalad maraayey.

Axmed Kismaayo Wuxuu ahaa saxafi rug-cadaaya oo kasoo shaqeeyey warbaahintii qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho, sidoo kale wuxuu mudo dheer ka hawlgalyey Idaacada BBC, waxaa lagu tilmaami jirey barbaariyaha ama macalinka saxaafada Puntland, wuxuuna dhawaan qoray buug uu ugu magacdaray Layliga saxafiga si ay uga faidaystaan saxafiyiinta da’aada yar ee Soomaaliyeed.

marka laga yimaado saxaafada wuxuu Dawlada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay agaasimaha guud ee warbaahinta Dawlada Puntland iyo gudoomiyaha gudiga kumeel gaarka ee doorashooyinka.

Warbaahinta Shacabkamedia waxay tacsi u diraysaa qoyskiisa, qaraabada, warbaahinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu kawada geeriyooday Axmed  Maxamed Cali… INAA LILAAHI WA INAA ILLAYHI RAAJUCUUN.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions