Hey*ad Canada ku taal oo ku qasabtay Xulafada Sacuudiga inay hawadooda u furaan Dayuuradaha Qatar-Airways:Guul u soo hoyatay Dooxa

2017-08-09 09:11:40




Dalalka ka tirsan xulafada Sacuudiga ee Imaaraatiga iyo Baxreyn ayaa sheegay in diyaaradaha laga leeyahay Qatar loo fasixi doono qeybo kamid ah hawadooda inay maraan.

Go’aankan ayaa kasoo baxay wadahadalo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada halkaasi oo xarun u ah hay’ada duulimaadyada caalamiga ah ee [International Civil Aviation Organization (ICAO)]

Dowlada Qatar ayaa dacwado kala duwan u gudbisay Qaramada Midoobay iyo hay’ada caalamiga ah ee qaabilsan hawlaha duulimaadka, iyagoo ku dooday in xayiraada dhanka cirka ah ee xulafada Sacuudiga ay dhibaato weyn ku heyso dadka ku nool Qatar oo 90% ah dad ajaanib ah.

Wadooyinka hawada ee Imaaraatiga iyo Baxreyn u fureen Qatar Airways ayaa ah kuwo saameyn doona oo kaliya diyaaradaha kusii jeeda dalka Qatar, waxaana hawada loo furay si kumeel gaar ah. Balse dowlada Qatar ayaa tilaabadan ku tilmaamtay guul weyn oo qeyb ka ah dadaalkii ay ka dhex waday Beesha Caalamka ee cadaadiska lagu saarayey xulafada Sacuudiga.

Xulafada Sacuudiga oo ay ku jiraan Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa bishii June xayiraad dhanka cirka, dhulka iyo bada ah kusoo rogay dalka Qatar

Source:H/Media

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions