Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Abuu Mansuur

2017-08-09 08:31:59



Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahana qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, waxaana dagaalka uu socdaa ku dhowaad afar saacadood.

Tuulooyin u dhow dhow degmada Xudur ayaa la soo sheegayaa in laga maqlayo rasaasta la isu adeegsanayo Shabaab.

Dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa hareereeyay deegaanka uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, iyagoo dhowr jiho ka weeraray.

Al-Shabaab ayaa ka hor inta aysan weerarin Abuu mansuur jaray, jidadkii gurmadka ugu imaan lahaa ama uu ku baxsan lahaa, waxaana isku daygooda uu yahay in la qabto ama la dilo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab ay hoggaaminayaan Saraakiil sar sare oo ku heyb ah Abuu mansuur, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool Macalin Geedow iyo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Gobolka Galgaduud.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaa aad u adag in la helo warar rasmi ah oo ku aadan dagaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsna Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay gurmad ugu diri lahaayeen Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in ciidamo boqolaal ah uu ku heysto dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo, halkaasoo muddo sanado ah uu ku noolaa, tan iyo wixii ka dambeeyay markii sanadki 2013 isaga soo baxay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin dagaalka Abuu Mansuur iyo Al-Shabaab, iyadoo sida muuqata ay si dhow ula socoto xaalada wadaadkan muddo go’doonka ku ahaa dhulka miyiga ee Gobolada Bay iyo Bakool.

Bishii June ee sanadkan ayay aheyd markii Mareykanka uu Abuu Mansuur ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagtii madaxiisa dul saarneyd, waxaana la rumeysan yahay in wixii markaas ka dambeeyay uu jiray isku dayo la xiriira sidii Abuu Mansuur uu isugu soo dhiibi lahaa dowladda, balse cid xaqiijisay ma jirto arrintan

Source:Jowhar

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions