Isbedelkii Shacabka Dhul-Udug ka sugayeen Xukuumadda Xaflad-Joog waxa ay noqotay in laga taqaluso Aniiso C/qaadir Muumin iyo Xasan Cadde:Qalinkii:Kacaankii Gaas bay ka dheereeyeen

2017-08-08 07:52:24

Isbedelkii laga sugayay Xukuumadda Xaflad-Joog ee Puntland,ayaa isugu biyo shubatay,in laga taqaluso Aniiso C/qaadir Muumin iyo Xasan Xaaji Saciid.

Wasiirkii hore ee Duulista iyo Garoomadda Xasan Xaaji Saciid iyo Wasiirkii hore  ee Haweenka Aniiso ayaa ka dheereeyay Kacaankii Gaas,waxaana uu dhibsaday markasta in loo keeno amaantoodda iyo wanaagoodda.

Hadal-heynta goobaha lagu qaxweeyo ee Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyay,waxaa aad loo hadal-hayaa,isbedelkii laga sugayay Xukuumadda Xaflad-Joog inay isugu biyo-shubatay,in la is-dhaafiyo 2-dii Wasiir ee ugu shaqadda badnaa Xukuumadda Gaas,iyadoo dhamaan Wasiiradii kale dib loo soo magacaabay,qaarkoodna la isku shaandheeyay.

Shacabka Dhul-Udug ayaa niyad-jabkii ugu xumaa ka qaaday Madaxeyne Gaas,waxaana ay wadnaha farta ku hayaan kana shaki-qabaan,inuu 2-sanno hor uu xilka kororsoon-doono,hadii ay dhacdana,waa ayaan-darro ay Qarniyo ka sheekeyn-doonaan Daweynaha Puntland oo la daala-dhacaya lacagaha faalsadda ee Madaxtooyadda Boosaaso uu ku daabacdo,shaqsigan ka takhalusay Wasiiradii iyo Wasiirkii firfircoonaa(Aniiso iyo Xasan Cadde)oo lagu eedeeyay inay Kacaankiisa ka dheereeyeen,amaantoodda iyo waxqabadkoodana uu dhibsaday

Qalinkii:Kacaankii Gaas bay ka dheereeyeen

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

Comments

Opinions