Neymar oo Rikoor cusub lagu iibsaday iyo Barcelona oo fasaxday laacibkan Reer Brazil

2017-08-03 00:49:39



Dareenka indhaha kubbada cagta aduunka ayaa ku soo wada jeeda heshiiska rikoodhka aduun noqon doona marka la dhamaystiro ee ay PSG kula wareegayso Neymar Jr. Heshiiska uu Neymar ugu biirayo PSG ayaan u baahnayn in kooxaha PSG iyo Barcelona ay wada xaajoodaan oo ay wax afgarad ah gaadhaan, balse taas badalkeed kooxda ree France ayaa waajib looga dhigay in ay miiska soo wada saarto dhamaan 222 Milyan oo Euro

Ugu horayn kooxda PSG ayaan maanta bixin lacagtii ay Barcelona ka sugaysay waxayna kooxda reer France iyo garyaqaanadeedu ka baaqdeen safar ay magaalada Madrid kula kulmi lahaayeen maamulka horyaalka La Ligaha waxayna garyaqaanada PSG iyo saraakiisha PSG ee la sugayay ay bixin lahaayeen lacagta Neymar laakiin waxaa la xaqiijiyay in PSG ayna lacagtii wali bixin isla markaana ay dadka ka socdaa barri gaadhi doonaan Madrid.

Waxa kale oo hadda soo baxday faah faahinta dhabta ah ee heshiiska uu Neymar Jr ugu biirayo kooxda PSG iyo waliba lambarka uu u qaadan doono kooxda ree France. Pastore ayaa idaacada ree Spain ee Cadena Ser u sheegay in uu Neymar Jr ugu deeqayo lamarkiisa kaas oo ah No.10 waana lamarka uu Neymar u qaato xulka qarankiisa Brazil.

Pastore ayaa isaga oo la hadlayay idaacada Cadena Ser yidhi: “Waxaan jecalahay in aan lamarbar 10-kayga ugu deeqo Neymar, waxaan doonayaa in uu faraxsanaado laga bilaabo maalintiisa ugu horaysa ee PSG”. Wuxuuna Neymar mari doonaa dariiqii xidighii lamarkan soo qaatay ee  Zlatan Ibrahimovic, Ronaldinho iyo Jay-Jay Okocha.

Neymar Jr ayaa si rasmi ah kooxda PSG ula gaadhay heshiis shan sano ah wuxuuna sanadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa 30 milyan oo euros oo u dhiganta 26.8 milyan gini taas oo la micno ah in uu usbuucii qaadan doono £515,000 kun oo gini.

Neymar ayaa noqon doona ciyaartoyga lixaad ee ree Brazil ah oo ka tirsan kooxda ree Brazil wuxuuna ku biirayaa ciyaartoyda ay ka midka yihiin Dani Alves oo dhawaan ku biiray si la mid ah Thiago Silva, Marquinhos iyo Lucas Moura.

Neymar ayaa la filayaa in uu barri soo gaadhi doono caasimada France ee Paris laakiin ilaa inta ay kooxda PSG bixinayso lacagta 222 milyan euroska ah ayay sugi doontaa dhamaystirka heshiiskan. Waxaana la filayaa in garyaqaanada PSG iyo masuuliyiin boorso lacag ah sitaa ay ka degi doonaan Madrid si ay u bixiyaan lacagta Neymar ay ku doonayaan

Qalinkii:Mohamoud Batalaale

Comments

Opinions