Chelsea oo 60-Milyan Pound kula soo wareegaysa Alvaro Morata

2017-07-21 13:58:14

 

Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala soo wareegayso weeraryahan Alvaro Morata.


Laacibkan u dhashay Spain ayaa hadda sugaya in uu Chelsea kala heshiiyo shuruudaha shaksiga ah, ka dibna la marsiiyo caafimaadka.


Haddii uu kusoo wareego kooxdan haysata horyaalka Ingiriiska, ayaa Morata waxa uu noqonayaa ciyaartoygii afaraad ee xagaagan kusoo biira kooxda Chelsea, oo horay ula soo wareegtay goolhaye Willy Caballero, Antonio Rudiger oo daafac ah iyo Tiemoue Bakayoko oo khadka dhexe ka ciyaara.


Morata ayaa xilli ciyaareedkii tegay 20 gool u dhaliyay Real, ka dib markii uu kasoo laabtay Juventus oo uu amaah ahaan ugu maqnaa.


Waxa uu sanadkan Real la qaaday horyaalka La Liga, kan Champions League, walow inta badan uu ciyaarta kusoo galayay bedel.


Morata ayaa booska ka qaadan kara Diego Costa, oo sheegay in macallin Antonio Conte uu ku wargaliyay inaanu qorshaha ugu jirin xilli ciyaareedka soo socda.


Kooxda Manchester United ayaa danayneysay Morata ka hor inta aanay lasoo wareegin Romelu Lukaku

Comments

Opinions