M/weynaha Puntland oo booqasho maanta ku tagaya goobaha la dejiyay Reer Guuraaga GalMudug ee naqa u soo doontay Waqooyiga Mudug

2017-07-15 12:58:42

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa maanta booqasho indho-indheyn ah ugu tagaya Reer Guuraaga GalMudug ee la dejiyay Deegaamo ka tirsan Waqooyiga Mudug,si uu indhihiisa ugu soo arko qaabka wanaagsan ee loola dhaqmay Reer Guuraaga, oo intooda badan ka soo kabtay diiftii iyo  rafaadkii ka soo gaaray abaarta ba*an ee ku dhufatay deegaamadda ay ka soo naq-tageen.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa la filayaa goorta ay soo gaba-gabeeyeen booqashadda Reer Guuraaga GalMudug,inay booqasho ku tagi-doonaan Magaaladda Gaalkacyo oo maanta lagu aasayo Fiqi Bashiir Cabdulle(Codweyn)oo ka mid ahaa Isimadda Puntland laga qadariyo oo meydkiisa laga soo duuliyay Magaaladda Stockhlom ee Caasimadda Dalka Sweden.

Waxaa xusid mudan  Kumaankun oo qoys ah oo Reer Guuraaga GalMudug,in si ku meel gaar ah dib u dejin(Resseltment)loo soo dejiyay Goobo Mudug ka tirsan,waxaana laga codsaday inay farta ku fiiqaan,hadii ay jiraan Dad dhibaato u soo masaafurinaya Deegaamadda Punland ee loo fasaxay inay xoolahoodda u daaqaan,iyadoo booyaddo biyo ah 24-ka saac lala daba-taagan-yahay.

Daawo:Reer Guuraa GalMudug ah oo lagu soo dhaweeyay Deegaanadda Puntland oo ay u naq-doonteen

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

 

Comments

Opinions