Mid ka mid ah sadexda Masjid ee Dunidda ugu barakeysan oo maanta la diiday Salaadda Jimcaha in lagu tukaddo

2017-07-14 14:27:47

Saddex nin ayaa rasaas ku weeraray Askar ku Yahuud ah oo ku  sugnayd agagaarka Masjidka Al-Aqsa ee magaaladda Qudus,kuwaasoo ilaalo ka hayay qeybo qadiimigi ah ee  albaabadda laga soo galo Masjidka

Warbaahinta Israa'iil  ayaa sheegtay in toogashadaasi ay ku geeriyoodeen 2-Askari,halka ay sadex kalana ku dhawaacmeen,waxaana arintaas sababtay Xukuumadda Israa*iil inay ku dhawaaqddo salaadii Jimcaha in la baajiyay,waxaana aagga weerarka ka dhacay xiray Booliiska,iyadoo la dilay 3-dii nin ee weerarka soo qaaday oo lagu sheegay inay yihiin Arab-Israel(Carabta-Yuhuudda)ee jinsiyadda Dalkaas heysato.

Waxaa xusid mudan Masjidka Al-aqsa inuu ee Magaaladda Qudus ku yaal inuu ka mid yahay saddexda Masjidka ee Muslimiinta ay agdoodda ku weyn-tahay,waxaana muddo 69-sanno ah xoog ku heysto,Dawladda Israa*iil oo ka qabsatay Dalka Urdun(Jordan)dagaaalkii lixda maalmood(1967)ee Carabta iyo Yahuudda u dhaxeeyay,waxayna aaminsan-yihiin Masjidkan darbigiisa dambe inuu ugu yaallo darbi barakeysan,waxayna u yaqaaniin(Temple-Mount)

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions