R/wasaare Xasan Bille iyo Golohiisa Wasiiradda oo Beri Kismaayo ku shiraya

2017-07-12 11:20:20

Reysalwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Bille iyo Golihiisa Wasiirada ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland, halkaasoo lagu waddo maalinta berri  ah inuuu ka dhaco shirkii ugu horeeyay  Golaha Wasiiradda oo lagu qabto meel ka baxsan Magaaladda Muqdisho

2-diyaaradood ayaa  lagu kala qaadi doonaa R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradda ayaa Garoonka Muqdisho lagu diyaariyay,waxaana Dayuuradda hore raacaya Reysalwasaare Xasan Bille,halka Diyaaaradda dambe ay qaadi doonto Golahiissa Wasiiradda.


Shacabka Kismaayo ayaa u diyaar garoobay soo dhaweynta R/Wasaaraha iyo Golihiiisa Wasiiradda wafdigiisa,iyadoo Maamulka Jubbaland uu adkeeyay amaanka Magaaladda Kismaayo


Shirka Golaha Wasiirada ee ka dhici doona magaalada Kismaayo maalinta berri ayaa noqonaya shirkii u horeeyay ee Gole Wasiiro ka dhaco meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ka baxday Kumeel gaarka, horay waxaa Xukuumadihii ay hoggaaminayeen Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde ugu shireen Baydhabo iyo Jowhar

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions