Hadalkii Sheekh Nuur Baaruud uu ku difaacay R/wasaaraha waa Gef iyo sharaf ka dhacay wuxuuna halis galin-garaa Xildhibaanadda Mooshinka keenay:Xildhibaan Fiqi oo Beesha H/Gidir(Sacad)u safto oo si adag ula hadlay Sheekh Camoola ah

2017-07-11 12:03:36

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka Reysalwasaaraha ka keenay una cayaara Kooxda Beesha H/Gidir(Sacad)ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,oo si adag ula hadlay Xidhibaanadda inay joojiyaan Mooshin ay ka keeneen Reysalwasaare Xasan Bille.

Xildhibaan Fiqi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Reysalwasaaraha ,ayaa arin laga xumaaddo ku tilmaamay Sheekh Nuur Baaruud inuu difaaco Mooshinka,halisna galiyo amniga Xildhibaanadii uu hogaaminayay oo ka carooday,hadal ka soo yeeray Sheekha oo dhibsaday muddo 2-sanno ah,Reysalwasaarihii Muqdisho la keenaba,inay isbaaro u dhigtaan Dad u qaatay Dawladnimadii inay dhaqaalo ka raadinayaan Mooshino,iyagoo iska dhaa-dhiciyay inay afduub ku heystaan Caasimadii Soomaali ka dhaxaysay,ayna ganacsi dhaqaalo ku raadinayaan Mooshin magaca Muqdisho lagu helo.

“Hadalkii Sheekh Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa , wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaankan oo aaminsan Reysalwasaare Xasan Bille inuu Hawiye Seria-C,ka yahay,Beesha uu ka dhashay ama Mudulood midkoodna ay xaq u lahaayeen Reysalwasaare inuu Farmaajo u magacaabo,ayaa ilaa iyo hadda lagu kari-waayay,inuu taageero Reysalwasaaraha,oo uu joojiyo Beelaha Hawiye inuu C iyo A u kala saaro.


Waxaa uu sheegay in hadalka Sheekha aanay aheyn mid ku qotoma arrin jirta, isla markaana uu ahaa mid mala-awaal iyo buun buunin been ah oo ay abuureen kooxo dowladnimada diidan, sida uu hadalka u dhigay.

“Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu yahay ilaaliyaha Dastuurka qaranka, isagoo ugu baaqay in gefkaas uu jawaab waafi ah ka bixiyo, hadda kadibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefayo hey’addaha dowladnimada ku taagan tahay, sida Baarlamaanka.

Waxaa uu ugu baaqay Sheekh Nuur Baaruud inuu hadalka aan munaasibka aheyn ee ka dhacay uu ka noqdo, kana cudur-daarto sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa xusid mudan,Soomaali inay sii kala fogaato ma ogiyee,inaysan weligeed isku imaan-doontid,inta Qolooyin qaas ah,ay afduub ku heystaan Caasimadda Muqdisho,Mooshin dhaqaalo ay ka sameeyaana ay ka keenaan Reysalwasaare kasta oo cago-dhigto Magaaladda Muqdisho,iyagoo u qaatay Dawladnimadda Isbaaro dhaqaalo lagu raadiyo oo la dhigto Magaaladii Caasimadda aheyd ee Soomaali ka dhaxaysay oo nasiib-darro 27-sanno ay isbaaro dhaqaalo raadis ah ay u taalo Qolooyin qaas ah oo Xamar la wareegay wixii ka dambeeyay 1991.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions