Ganacsigii Boosaaso oo xiran iyo Gancsatadda oo ka cabanaya Canshuur dheeri oo Xukuumadda Xaflad-Joog ee Gaas soo rogtay

2017-07-09 20:01:27



Ganacsatada waaweyn iyo kuwo yar yar ee Puntland ayaa cabasho ka muujiyay cashuuro dheeraad ah oo wasaaradda Maaliyaddu ku soo rogtay, waxayna albaabada isku laabeen dhammaan xarumihii ganacsiga ee Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso.

Waxaa la xiray xarumihii shirkadaha iibiya qalabka dhismaha, kuwa ka ganacsada qalabka korontada, mobiladda, dharka, cuntada iyo ganacsigii yar yaraa ee suuqa weyne Bosaso, Ganacsatada ayaa ka cabanaya cashuuraha laga qaado macaashka kiradda guryaha oo dowladu kor u qaaday, taasi oo ganacsatadu sheegeen in ay sharci darro tahay,

“ Wasaaradda maaliyadda waxay kordhisay lacagihii laga qaadi jiray Meheradaha ganacsiga ee Macaashka daaraha, taasi oo ay sheegeen in ay ku  waajibtay kiradda guriga laga qaadayo, oo khasab laga dhigay inay bixiyaan shirkadaha guryaha ku jira, halkii laga qaadi lahaa dadka iska leh guryaha” sidaas waxaa horseedmedia u sheegay Ganacsade magaciisa qariyay.

Xarunta rugta ganacsiga Puntland ee Bosaso  oo uu ka socday shir u dhexeeyay dowladda iyo ganacsatadda , kaasi oo lagaga arrinsanayay cashuuraha daaraha iyo xarumaha ganacsiga ee maanta la xiray, ayaa sidoo kale xarunta bannaankeeda isugu yimid boqolaal ganacsato ah oo ka cabanaya  Cashuuro ay sheegeen inay xadhdaaf yihiin oo dowladu soo rogtay

Shirka oo muddo saacado socday ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday ka dib markii xukuumada Puntland ku adkaysatay inaysan dib uga laabanayn cashuuraha laga qaadayo macaashka kirada guryaha, iyadoo dowladu ka codsatay ganacsatada inay di bu furaan xarumaha ganacsigooda, waxaana lagu ballamay in dib la isugu soo laabto maalinta beri ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada waxay sheegeen in wasaaradu ay ka doonayso $100 dollar cashuur dhan  4%  taasi oo laga qaadi doono ganacsatada guryuhu u kiraysan yihiin, halkii laga qaadi lahaa mulkiilayaasha guryaha, waxayna  ganacsatadu sheegeen inaysan suurtagal ahayn inay iyagu bixiyaan.

Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waxay Idaacadaha iyo baabuur microphone ku xiran yihiin ku baahinaysa fariimo ku saabsan cashuurta macaashka guryaha, iyagoo ganacsatada iyo dadka guryaha iska leh ka codsanyay inay bixiyaan cashuurta

Cashuurtan ayaa sidoo kale laga hirgaliyay  caasimadda Garoowe, iyadoo dowladdu ay bulowday in  Cashuurta laga qaado guryaha ay kiraystaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay

Source:H/Media

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions