Lacagtii Faalsadda ee M/weyne Gaas iyo Seedigiis Wasiirka Maaliyadda C/laahi Sheekh oo lagu gubay Deegaano ka tirsan Hir-Shabeele iyo GalMudug:Qalinkii:Waa inay Shacabka Dhulka-Udug ee la bahdilay ay ku daydaan Shacabka 2-daas Maamul

2017-07-08 19:00:30

Shacabka ku dhaqan Deegaanadda Hirshabeele iyo GalMudug,ayaa dab qabadsiiyay lacaggo faalso ah oo Gawaari candho-meedle ah looga soo daad-gureeyay warshadda lacagta faalsadda sameysa oo ay wada leeyihiin Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Seedigiis Wasiirka Maaliyadda C/laahi Sheekh.

Hadii Shacabka Dhul-Udug(Puntland)ku dhaqan ay aqbaleen bahdilaadda ay ku hayaan Xukuumadda Xaflad-Joog ee Halkii Doolar gaarsiiyay 30-000-Shilin Soomaali ah,arintaas  waxaa diiday Shacabka Deegaamadda Hirshabeele iyo GalMudug oo bilaabay inay gubaan lacagaha Faalsadda ee Madaxtooyadda Boosaaso lagu sameeyo.

Lama yaqaan goorta Shacabka Puntland ee xishoodka ku caan-baxay,ay hurdada ka kacayaan,kana hor-imaanayaan lacagaha Faalsadda ee Gaas iyo Seedigiis ay shuraakadda ku hayaan,kuwaasoo sicir-barar ka dhaliyay Deegaanadda Puntland oo la ciir-ciiraya lacaggo faalso ah oo ujeedada ka dambaysa ay tahay,sanadka 2019 kolka la gaaro,in Xerta Xukuumadda Xafladjoog ay dib doorasho ugu galaan,lacagaha faalsadda ee lagu harqiyay suuqyadda Puntland.

Waa nasiib-darro Ninkii ku faanayay inuu dhaqaalaha soo bartay,waxna ka qaban-doono dhaqaalaha,inuu Makiinad lacagaha faalasaddda sameysto,suuqyadana ku fasaxyo lacaggo bug ah,waxaana arintaasi ay saameyn weyn oo dhaqaalu-xumo ah ku yeelatay Deegaamadda Puntland.

Runtii amaan ayay mudan-yihiin Shacabka Hirshabeelle iyo GalMudug oo bilaabay inay gubaan lacagaha faalsadda ee Madaxtooyadda Boosaaso lagu soo farsameeyay,waxaana ku boorinaynaa Shacabka Puntland inay hurdada ka kacaan,kana hor-yimaadaan lacagahan Faalsadda ee dhibaatadda ku haya Suuqyadda Dhul-Udug oo maanta 100-kii Doolar lagu sarifayo in ka badan 3000-000-Shilin Soomaali ah,halka Koonfurta Soomaaliya 2200-000 lagu sarifo 100-kii Doolar

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions