Weli ma iib kale ayuu noogu ciil-qabaa CCC-Sharmaarke?:Qalinkii:Qajil oo isku-xishood

2017-07-08 14:02:27

Reysalwasaarihii hore ee Dawladda Federaalka CCC-Sharmaarke oo lagu wada xasuusto inuu qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya ka iibiyay Kenya,ayaa weli u ciil-qabba inuu iibsaddo sharaftii Soomaalidda,isagoo markan dulaal u ah Xulafadda Sacuudiga ee xiriirka u jaray Qatar,waxaana uu ku doodayaa inay khalad tahay,inay Dawladda Federaalka dhex-dhexaad ka noqoto arinta Khaliijka ka taaga.

Waxaan tallo ku siin-lahaa  CCC-Sharmaake inuu qajillo oo isku xishooddo, umana malaynayo Dawladda Federaalka inay qaadayaan,taladii uu ku siiyay inay sharafta Soomaalidda iibsadaan oo ay la saftaan Xulufadda Sacuudiga xiriirkana u jaraan Dalka Qatar.

Madaxweyne Framaajo iyo R/wasaare Xasan Bille,waa ay ku sax-san-yihiin,inay dhex-dhexaad ka noqdaan arinta Khaliijka,waxaana ay u badan-tahay inaysan dhag jalaq u siin,codsiga CCC Sharmaarke uu hordhigay Dawladda federaalka inay xiriirka u jarto Qatar,isagana uu lacaggo Malaayiin Riyaal ah uga soo dhameeyo Xulafadda Sacuudiga oo CCC Sharmaarke u soo wakiilatay inuu Dawladda Federaalka ka dhaa-dhiciyo,go*aankii hore ee dhex-dhexaadnimadda inay ka laabtaan,xiriirka Diplomaasiyasadeedna u jaraan Qatar.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions