Allaha u naxariisto Ganacsadde C/risaaq Muuse Nuur(Jaxeer)oo Gaalkacyo lagu dilay iyo Waxgarad badan oo Dil-sugayaal ah Deegaamadda Puntland:Qalinkii:Tacsi ma dhamaato ah

2017-07-07 15:47:15

 

 

Allaha u naxariistee waxaa mar kale Magaaladda Gaalkacyo lagu dilay Waxgarad ka tirsanaa Maamulka Puntland,waxaana la filayaa inta kale ee Xeradda Gaalkacyo ugu xareysan cadoowga,maalinba mid in kawaanka la saaro.

Tan iyo markii ay taladda Puntland la wareegeen Xukuumadda Xaflad-Joog ee C/weli Gaas,ayaa waixaa sidii tus bax go*ay Magaaladdo Gaalkacyo loogu dilay Waxgarad badan.

Dilka Ganacsadde Jaxeer ayaa ku soo aadayaa,xili shalay uu Muqdisho ka sheegay Madaxweynaha Puntland inuu Ciidamo amniga ilaaliyo ugu deeqayo Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir,xili uu deegaanadiisii dayacay,qaar ka mid ah Deegaanadda Puntland ee Gobolka Barina ay gacanta ku hayaan Argagaxiso Alshabaab iyo Daacish ka tirsan,waxaana Shacabka Dhul-Udug is-weydiinayaan?inta uu Muqdisho Ciidamo ugu deeqayo,inuu marka hore amniga deegaanadda Puntland suggo.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

Comments

Opinions