Jeneral Indhacadde oo loo magacaabay xil faraya inuu Dadka guryaha xooga ku heysto Muqdisho inuu ka saaro:Qalinkii:Xil-Culus

2017-07-06 22:23:39


Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa  loo magacaabay xil  cusub oo horay aan  loo maqal, kaasoo ujeedadiisu tahay ama dowladda ay caqli iyo maskax u adeegsaday in dadka Muqdisho ee degan ama haysta dhismooyinka danta guud ee ciidamada Soomaaliyeed uu ka shaqeeyo sidii ay ugu bixi lahaayeen.

Yusuf Indha Cadde oo beesha Habar Gidir kasoo jeeda, waxaa la ogyahay in dadka ugu badan ee degan guryaha ciidamada sida Shiirkole, gaashaandhiga iyo goobo kale ay kasoo jeedaan beeshiisa, taasina ay tahay caqliga ay dowladda Farmaajo u adeegsatay.

Qorshahaan ayaa ah mid ka yimid xafiiska Villa Somalia, waxayna warar ay heshay Warfaafiye sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo daba ka riicaayo qorshahaan.

Xilkaan oo ah Guddoomiyaha Guddiga Hanti soo celinta Ciidanka Soomaaliyeed ayaa loogu talagalay in guddigaan Indha Cadde madaxda loogu dhigay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa hantida ma guurtada ah ee ciidamada Soomaaliyeed leeyihiin gaar ahaan dhismooyinka iyo xerooyinka ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhismooyin badan oo ku yaal magaalada Muqdisho oo ciidamada kala duwan u ahaa xarumo iyo goobo ay deganaayeen ayaa 26-kii sano ee lasoo dhaafay ay deganaayeen dad shacab ah oo ku limo dhalay.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta la arkayay in gaadiidka nooca ciidamada ah oo lagu xiray codbaahiyeyaal ay ku wareegayeen magaalada iyagoo dadka ku amrayay inay isaga guuraan xarumaha ciidamada ay deganaayeen sida xaafadaha Shiirkole iyo agagaarka wasaaradda Gaashaandhiga.

Guddigan cusub ayaa shacabka degan guryaha iyo xeryaha ciidanka gaar ahaan kuwa Milatariga u qabtay in ay uga guuraan maalmo kooban, waxaana dadkii ka madax adeega fulinta amarka loogu hanjabay in tilaabo laga qaadi doono lagana saari doono goobaha ciidanka.

Shalay ayaa dad ka careysan amarkaan ay dhigeen dibadbaxyo rabshato wato oo ka dhacay wadada Sodonka, iyadoo markii danbe lagu kala eryay dadkaasi rasaas ay ciidamada ridden.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan xeryaha iyo dhismooyinka ay lahaayeen ciidanka dowlada ayaa lasoo daristay walaac xoogan, waxa ayna sheegeen in aysan garaneyn meel ay aadaan hadii laga saaro guryaha ay hada ku nool yihiin

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions