Geeri naxdin badan oo Sweden ka dhacday(Inaa Lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun)Allaha u naxariisto Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan oo ka mid ahaa Isimadda Puntland oo Geeriyooday

2017-07-05 16:05:27

Inaa Lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun,Allaha u naxariistee waxaa magaaladda Stockhlom ee Caasimadda Dalka Sweden ku geeriyooday,Fiqi Bashiir Cabdull Cismaan oo ka mid ahaa Isimadda Puntland iyo guud-ahaan Soomaaliya laga qadarin-jiray.

Fiqiga ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa Isbitaal Dalka Sweden u yaal,waxaana Tacsi tiiraanyo leh aan u direynaa dhamaan  ehelkii uu ka geeriyooday,waxaana idiin leenahay samir iyo iimaan allaha naga siiyo Geeridda naxdinta badan ee Fiqi Bashiir ku timid.

Jaaliyadda Soomaalidda ee Dalka Sweden ee Marxuum Fiqi Bashiir uu ka tirsanaa,ayaa Tacsi qaas ah u dirayso,qoyskii iyo qaraabadii uu uu ka geeriyooday

Comments

Opinions