Garoonka Wembley Oo Si Aad Ah Loo Adkeeyay Ka Hor Kulanka Caawa Final-ka FA Cup ee Arsenal iyo Chelsea

2017-05-27 14:52:31




Amaanka garoonka Wembley ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo saacado yar kadib ay ka bilaaban doonto halkaas ciyaarta u dhaxeysa kooxaha Chelsea iyo Arsenal ee kama dambeysta koobka FA Cup-ka.

In ku dhaw 90,000 (Sagaashan kun) oo taageerayaal ah ayaa la filaya iney soo buux dhaafiyaan garoonka sidaas darteed amaanka si daran ayaa loo adkeynayaa si looga fogaado iney dhacaan wixii Manchester ka dhacay dhawaan.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Ingiriiska Boolis si gaar ah ugu tababara amaanka ayaa lagu wareejiyay guud ahaan garoonka Wembley sidoo kalana waxaa jira dhawr meelood oo lagu baari doono dadka si loo hubiyo ineysan aheyn dad dhibaato wada.

Sarkaal u hadlay Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo oo boolis ah lagu soo kordhiyay si amaanka loo adkeeyo iyadoo markii hore uusan qorshaha aheyn in sidaan la isugu howlo dhacdadaan.

Si la mid ah kulanka lagu xaqiijinayo kooxda sadexaad ee usoo baxeysa horyaalka Premier League ayaa isna si daran loo adkeyn doonaa kaas oo ka dhici doona Wembley.

Qalinkii:Abdirashid Mohamud "SHarDinHO

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions