Askari Mareykan ah oo duleedka Afgooye lagu dilay

2017-05-05 17:29:11

Faah faahin ayaa ka soo baxaya howl gal ay iska kaashadeen Ciidamo Mareykan ah iyo Kumaandooska Soomaaliya oo ka dhacay tuulooyin ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl galkan ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid qorsheysan, iyadoo ciidamadan huwanta ay adeegsanayeen diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters.

Warar laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in diyaaradahan qumaatiga u kaca ay duqeeyeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Mubaarak

Ciidamadan ayaa markii dambe ka degtay diyaaradaha, iyadoo iska hor imaad dhex maray dagaalyahanada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in illaa lix dagaalyahan laga dilay Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaare soo gaaray ciidamadii huwanta ahaa.

Warar lagu qoray baraha Twitter-ka ayaa sheegaya in askari Mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran uu ku dhintay howl galkaas, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Wariye ka tirsan Telefishinka CNN oo uga soo waranta Pentagon-ka ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in askari ka tirsan Mareykanka ku dhintay, halka labo kalena ku dhaawacmeen, howl gal ka dhacay meel 40KM galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo dhanka Al-Shabaab oo ku saabsan howl galada dhacay.

Mareykanka ayaa dhowaan Ciidamo u doo diray Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions