R/wasaaraha Jarmalka Merkel oo diiday inay Madaxa daboolato iyadoo joogta Sacuudiga xili uu qaabilayay Boqor Salmaan

2017-05-01 23:56:51



Boqortooyada Dalka Sucuudiga sharciyada u yaalla waxaa ka mid ah in Haweenka aysan Tinta Madax ku baneysan karin goobaha Fagaaraha .

Balse qodobkaas sida sharciga ah ugu yaala Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa jabisay Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel.

Reysalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa diiday inay fuliso sharciyada iyadoo kula kulantay Magaalada Jeddah boqorka Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Angela Merkel ayaa noqotay hoggaamiyihii ka socda dal ku yaal Yurubta Galbeed oo jebisa sharciyagaas.

R/wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May iyo Michelle Obama ayaa ka mid ahaa haweenkii hore u diiday inay xirtaan xijaab madaxana dabooshaan marka ay booqasho ku tagaan dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Ms Merkel ayaa ka mid ah hogaamiyaasha aaminsan in la mamnuuco gebi ahaanba in haweenka ay indho sharer xirtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Jarmalka waxa uu u codeeyay sharci qabyo ah kaasoo ka mamnuucaya dumarka in meelaha fagaaraha ah ay xirtaan xijaabka.

Comments

Opinions