Hirshabeele oo hadalkii Muuse Suudi taageeray dacwad ka dhan ah Dawlada Federaalkana u gudbiyay Xildhibanaadooda Xamar ku sugan:Qalinkii:Isbaarada Maanta

2017-05-01 15:29:39

Maamulka Hirshabeelle ayaa qoraal cabasho ah oo ka dhan dowlada federalka Soomaaliya u gudbisay Senatada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka soo jeeda Hirshabeelle.


Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa lagu sheegay in dowlada federalka ay ka hortaagan tahay maamulka Hirshabeele inuu furto dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ku yaal Hirshabeelle.


“Dowlad goboleedyada kale sida Puntland waa loo oggol yahay inay dekedahooda iyo garoomadooda shaqeeyaan ayna la galaan heshiisyo dalalka dibada balse Dowlad Goboleedka Hirshabeelle looma ogola inay furato dekedaheeda iyo garoomada diyaaradaheeda.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabelle.


Ugu dambeyntii Senatarada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa laga codsaday inay u istaagaan furitaanka ilaha dhaqaale iyo horumarinta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso:Maamulka Hirshabeele oo hadalkii Muuse Suudi taageeray dacwad ka dhan ah Dawlada Federaalkana u gudbiyay Xildhibanaadooda Xamar ku sugan:Qalinkii:Isbaarada Maanta:

 

Comments

Opinions