La Taliyayaasha qaaska ah ee M/weyne Farmaajo Damuumaaye iyo C/raxmaan Ceynte oo horboodaya Shirka London

2017-04-30 22:22:33

La Taliyeyaasha idman ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hor-boodaya shirar ka socda Xerada Xalane oo dowladda Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay ku leeyihiin.

Shirarkan oo ah kuwo loogu gogol xaarayo shirka London, looguna diyaar garoobayo ayaa u socda dhowr weji, iyadoo dowladda Federaalka laga dhageysanayo qorshayaasha ay la tagi doonto shirkan.

Guddi ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, La Taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasada Xuseen Macalin Damuumaaye iyo C/raxmaan Ceynte, ayaa kulamo la qaadanayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, Wakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain iyo Wakiilada kale ee Beesha Caalamka.

Waxaa shirarkan lagu gaarayaa heshiis dowladda Federaalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka, kaasoo ku saabsan in dowladda Federaalka ay qorsho mideysan la tagto shirka.

Arrimaha ay beesha caalamka ka heshiinayaan iyo dowladda federaalka ee ku jira qorshaha shirka London waxaa ka mida: Qorshaha Amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo kaalmada abaaraha, waxa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u ahaa sidii qorshe loo mideysan yahay ay beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ula tagi lahaayeen shirka London.

Doorka wakiilada beesha caalamka ayaa loo arkaa mid aad u weyn oo saameyn ku leh qorshaha dowladda Soomaaliya ee shirka London.

Shirka London ayaa dhici doona 11-ka bisha May ee soo socoto, waxaana ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood oo daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ay si wada jir ah u shir guddoomin doonaan shirkan

Source:Jowhar

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions