Gabar 10-Jir ah oo si xun Deegaanka Kaxda ee Muqdisho loogu kufsaday(Nin Pedofile ah oo 33-Jir ah ayaa kufsaday)

2017-04-30 15:24:41

Gabar 10-Jir ah ayaa si xun loogu kufsaday  Deegaanka Kaxda ee Muqdisho,Raxmo Shiikh oo ah hooyada gabadha la kufsaday ee dhibanaha ah ayaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u Xaqiijisay in falkaasi uu dhacay waxayna sheegtay in gabadheeda uu si xun u kufasaday Nin aad u weyn oo ay deris ahaayeen

Hooyadaan oo murugeeysan ayaa sheegtay Ninkan gabadheeda 10-Jirka ah kufsaday,inuu ugu sheekeeyay,inuu raashin ugu soo dhiibayo.

Ciidamadda Booliiska ee Deegaanka  Kaxda ayaa ugu dambeyntii gacanta ku soo dhigay,Ninkan cudurka Pedefilika qaba,waxaana Hooyaddan loogu baaqay inaysan aqbalin,waan-waan ay ula yimaadeen,ehelka Ninkan xanuunsan ee caruurta yar yar u galmoodda.

Comments

Opinions