Daawo:Sawiradda:Ciidamadda Puntland oo fashiliyay Qaraxyo is-miidaamin ah oo Boosaaso loo qorsheeyay iyo Ragii fulin lahaa Qaraxyadda oo la qabtay

2017-04-26 09:18:21

Ciidamadda amaanka maamulka Puntland ayaa fashiliyay qarax ismiidaamin ah iyo Weeraro qorsheysnaa  oo la doonayay  in lagu qaaddo xarumo muhiim ah oo kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgal ay ciidamada amaanka ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayey kusoo qabteen Fuustooyin Qaraxyo ah oo diyaarsanaa oo Argagaxisadda damacsanaayeen Dad badan inay ku laayaan

Argagaxiddan oo 5-ka koobnaa,ayaa Qaraxan ku diyaariyay guri ay Boosaao ka kireysteen,iyadoo gurigii ay la wareegeen Ciidanka Amaanka

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa fahfahiyay qaraxyadaas ladamaqsanaa in bosaaso laga fuliyo, Isagoona sheegay iney oogga  mahadnaqayaan ciidamadii Howgalkaasi fuliyay

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegeeteen Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadyo ka hor Maxkamadda Ciidamada Puntland dil toogasho ku fulisay illaa shan dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna dilal uga geystay Boosaaso.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions