Allaha u naxariisto Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan(Cali-Ceejis)oo Isbitaal Nairobi ku yaal ku geeriyooday iyo Tacsi loo dirayo Reer Bootaan Maxamuud Shabeel

2017-03-20 05:50:04

Is

Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan(Cali-Ceejis) oo katirsanaa Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland .

Xildhibaanka oo 2-diisa Kelyooday fariisteen dhaqaatiirna Nairobina ay ku guuldareysteen inay badbaadiyaan ayaa u geeriyooday dhaawac lugta Miino uga go*fay  oo kasoo gaaray qarax 10-kii bishan gaarigiisa loogu xiray xili uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo Ehelada marxuunka ayaa wada dadaalo meydka Xildhibaanka loogu qaadayo deeganadaa Puntland si halkaasi loogu aaso.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan,Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka,qaasatan Reer Bootaan Maxamuud Shabeel

Samir iyo Iimaan Allaha naga  siiyo geeridiisa Qabrigiisana Allaha u Nuuriyo,Waxaan Allaah uga baryeynaa inuu Qabrigiisa u nuuriyo,Janadii Fardawsna ka waraabiyo Aamin Yaa Rabbi.

Comments

Opinions