Afhayeenkii Ciidamadda Booliiska Ugandha Flex Kweesa,darawalkiisii iyo 2-ilaaladiisa ka mid ah oo Kampala lagu toogtay

2017-03-17 09:29:56

Afhayeenkii Ciidamadda Booliiska Ugandha Flex Kweesa,2-ka mid ah ilaaladiisa iyo darawalkiisa ayaa lagu toogtay Magaaladda Kampala,xili uu ku socday xafiiskiisa shaqadda kana soo baxay gurigiisa oo ku yaal Xaafadda Kulembira ee duleedka Kampala.

Dableey saaran mootadda Ugandha looga yaqaan(Boodha-Booddha) ayiaa loo baadi-goobayaa dilkiisa,waxaana gebi-ahaanba la xiray dhamaan Wadooyinka muhiimka ay ee Kampala.

Saraakiisha Booliiskka Ugandha ayaa la filayaa saacadaha soo socda inay faah-faahin ka bixiyaan,cidda ay ku tuhmayaan dilka Afhayeenka,iyo qaabka ay u baxsadeen dableeydii wadatay Boodha-Boodhadda.

Dilka Kweesa ayaa ku soo aadaya xili Booliiska Ugandha ay baaritaan ku hayeen muddo 2-sanno ah inay meel saaraan cidii dishay Sheekh Ibraahim Kirwa iyo Sheekh Mustafa Bahiga oo Kampala lagu dilay sanadadii(2014 iyo 2015)oo  ilaa iyo hadda aan la aqoon cidii dilkoodii ka dambeeysay.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions