Markabkii lagu haystay Xeebaha Caluula oo la sii daayay

2017-03-17 05:21:19

Dableydii xeebaha degmada Caluula afduubka ku haysatay markabkii shiidaalka qaadda ee Imaaraadka Carabta laga lahaa ayaa la siidaayay.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay siidaayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, isla markaana aanay jirin wax lacag madax furasha ah oo la siiyay.

Markabka oo shidaal siday ayaa dableydu waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha Puntland.

Afduubka markabka ayaa ah kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah.

Ragga afduubka sameeyay ayaa sheegay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha Soomaaliya.

Koose Yuusuf Xaaji oo ka mid ah odayaasha gacanta ka geystay in markabka la sii daayo ayaa  sheegay in markii la siidaayay ay galbiyeen ciidammada badda ee Puntland

Source:BBC

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions