Hadaadan arkin Jabkan oo kale ma adigaa weli jab arkey:Qalinkii:Jabka Maanta

2017-03-16 06:58:22

Weligaa Saaxiibkaa gurigiisa ma booqatay? Dumashidaa si fiican makuu soo dhoweysay ?kadib shaah cadays ah maku keentay kadib Wiil yar oo dumashida dhashay oo iska ciyaaraya shaahii makugu daadiyay kadib Dumashida Macawiis makuu keentay kadib intaa xidhatay Suuliga (musqusha) ma aaday inta shaahii iska soo maydhaysay (dhaqaysay).

Saaxiibka guriga ma yimid kadib surwaalkaagii fadhiga maku arkay kadib adigoo qoyan musqusha maka so baxday kadib saaxiibkaa baskoolad (Bistoolad) mala soo baxay adigoo macawiistii wata sidii wax waalan Suuqa ma dhex carartay saaxiibka isaguna sidii wax waalan maku eryaday (baacsaday) kadib dadkii Xaafada masoo wada bexeen oo maku soo qabteen kadib Xabsi horay malagaa geeyey 7 maalmood (beri) masoo liqday.

Adigoo yaaban oo waxba cunin waalidka makuu yimadeen oo ma dheheen ninkan 3 sanno dhaqan toosin ha lagu xukumo waayo saaxiibkiis ayuu naagta u daba maray oo Maxkamad ma laguu geeyay kadibna Timaha ma lagaa xiiray oo boqolaal  Karbaash ma lagula dhacay. Adeerayaal hadaadan arkin Jabkan oo kale  ma adinkaa weli jab arkey

Xigasho:Zamira Bintu Zahra

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions