Sameecadaha dhagaha la gashado oo ku qarxay haweenay diyaarad saaran

2017-03-15 18:00:38


Dab ayaa qabsaday haweenay qabtay sameecadaha dhagaha la gashado xili ay la socotay diyaarad ka soo duushay magaalada Beijing kuna sii jeeda magaalada Melbourne.


Haweeneyda ayaa ku toostay dhawaqa qarax Markii ay iska tuurtay sameecadigii dhagaha ugu jiray ee ay wax ku dhagaysanaysayna waxay aragtay iyagoo uu dab qabsaday oo dhalaalaya.


Qaraxa iyo dabka ayaa wajigeeda badalay oo madoobeeyay,iyadoo Haweenaydan rakaabka ah oo aan magaceeda la shaacinin ay waaxda badqabka gaadiidka ee Australia u sheegtay in ay music dhagaysanaysay markii uu qaraxu dhacayey.


Shaqaalaha diyaaradda ayaa markiiba caawiyay oo damiyay dabkii ka dhacay sameecadaha dhagaha la gashado.


Wali lama sheegin shirkadda samaysay qalabkaas, laakiin waxaa la sheegay in la rumaysan yahay inay u badan tahay inay ciladdu ka dhalatay baytariyada loo yaqaano lithium-ion.


Dhacdooyin badan oo arrintaas la xiriirta markii ay diyaarado ka dhaceena waaxaha duulimaadyada hawada ee dalalka caalamka ayaa mamnuucay in diyaaradaha lala raaco taleefanka Note 7 oo leh beterigaas.


Samsung ayaa dalbatay in dadka gatay Note 7 ay soo celiyaan, waxaana joojisay soo saaristii taleefankaas, iyadoo shirkaddu khasaare balaayiin dollar gaaraya ay lugaha la gashay.

Sanadkii hore diyaarad ka duuli lahayd Sydney ayaa la istaajiyay ka dib markii qiiq laga arkay qaybta boorsooyinka ee diyaaradda, ka dibna waxaa la ogaaday in baytariyo lithium ka samaysan uu dab ka kacay oo uu gaaray boorsooyinka.


Sidoo kale sanadkii tagay baytariyo ay samaysay shirkadda Samsung oo la galiyay taleefoonka Note 7 ayaa sababay in uu aad u kululaado taleefanku iyadoo kuwo badanna uu dab qabsaday oo ay dhalaaleen

Source:Allbanaadir

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions