War hadda soo dhacay:R/wasaare Xasan Bille oo hanjabaad kala kulmay M/weynaha Puntland oo ka carooday liiska Wasiiradda in lagu soo daray Cali Xaaji Warsame?Yaa lagu bedelayaa booskiisa?

2017-03-15 07:14:56

Reysalwasaaraha Dawladda Federaalka Xasan Bille ayaa hanjabaad iyo handaad kala kulmay Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas oo wacad ku maray inuu kalsoonidda kala noqon-doono Reysalwasaaraha,hadii uu Golaha Wasiiradda ku soo darro Cali Xaaji Warsame oo ahaa shaqsigii 8-dii Janaayo 2014 sabab u ahaa in hal cod oo Mucjiso uu xilka Madaxweynaha Puntland uu ku guuleysto,kadib markii uu wareegii ugu dambeyay uu 17-cod ugu shubay.

Tooshka Wareega ee Shacabkamedia ayaa xog ku helay Wasiirkii hore ee Wabarashadda Cabdi Faarax Juxaa inay dhici-karto in lagu bedelo booska laga tuuray Cali Xaaji oo Reysalwasaare Xasan Bille u qorsheeyay inuu u magacaabo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga,waxaana laga yaabaa Wasiir Juxaa in loo magacaabo Wasaaradda Cadaaladda,inkastoo ay dhici karto Wadaarad kale in loo qoondeeyo.

Comments

Opinions