Chelsea Oo iska xaadirisay Afar dhamaadka FA-Cup Iyo Conte Oo markale Mourinho Dhulka Dhigay

2017-03-14 05:42:48



Chelsea ayaa u soo baxday afar dhamaadka FA Cupka kadib markii ay Stmaford Bridge guul kaga gaadhay toban ciyaartoy oo Manchester United ah.  N’Golo Kanté ayaa noqday xidiga kulankan farqiga ka sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay soo dhaafto imtixaankii Man United wuxuuna dhaliyay goolka kaliya ee ay Blues guusha kaga gaadhay Red Devils.

Ander Herrera ayaa qaybtii hore ee kulankan kaadhka cas ka qaatay Man United taas oo xaalada ku xumaysay kooxda Jose Mourinho ee markii horeba la dhibtoonaysay maqnaanshaha Zlatan Ibrahimovic oo ay kooxdeedu  si wayn ugu tiirsanayn si la mid ah Martial iyo Wayne Rooney oo kulankan seegay. Conte ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah dhulka dhigay Mourinho iyo kooxdiisa Man Untied isaga oo waliba ay kooxdiisu labada kulanba shabaq nadiif ah garoonka kala baxday.
.

Qaybtii hore ee kulankii Stamford Bridge ayaan noqon mid lagu raaxaystay kadib markii ay Manchester United iyo Chelsea labaduba ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan. Chelsea ayaan bilawgii kulankan muujin awoodii ciyaareed ee laga filayay taas oo dhiiro galin wayn u ahayd kooxda martida ahayd ee uu Mourinho watay.

Chelsea oo garoonkeeda iyo jamaahiirta faa’iido u haystay ayaa doonaysay in ay u soo baxdo afar dhamaadka FA Cupka laakiin Mourinho oo xusuusnaa guuldaradii 4:0 ahayd ee Premier Leaque-ga ee isla Stamford Bridge xili ciyaareedkan kaga soo gaadhay Chelsea ayaa doonayay in natiijo fiican kala laabto kooxdiisii Blues.

DAQIIQADII 35 AAD KAADHKA CAS!! Manchester United ayaa dhibaato wayn la kulantay kadib markii uu  Ander Herrera awoodi waayay in uu iska ilaaliyo kaadhka labaad ee digniinta ahaa wuxuuna markale qalad ku galay Eden Hazard oo ahaa xidiga Blues ugu fiicnaa waxaana kaadhka digniinta ah ee labaad iyo kaadhka cas oo wada socda Herrera u taagay garsoore  Michael Oliver, waxaana Man United lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah iyada oo Mourinho uu si wayn uga cadhooday in Herrera kaadhka cas loo taagay waxayna isku dhaceen Antonio Conte iyada oo garsooraha afraad ee kursiga kadyka fadhiyay uu Mourinho iyo Conte kala qabay intii ayna faraha isla galin.

Jamahiirta Chelsea ayaa erayo aflagaado ah ku durayay Mourinho waxanaa bilaabantay cadaawad aan hore u soo dhex marin Mourinho iyo jamaahiirta kooxdiisii hore ee Blues laakiin Mourinho ayaa ka sii cadhaysiiyay jamaahiirta Blues wuxuuna ku taagay saddexda farood isaga oo u tilmaamayay in uu saddex koob oo Premier Leaque-ga ah uu u soo qaaday.

Tabababare Mourinho ayaa ku qasbanaaday in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo markii Herrera kaadhka cas loo taagay waxaana ciyaarta laga saaray Henrikh Mkhitaryan waxanaa kaydka looga yeedhay Marouane Fellaini si uu awood ugu soo kordhiyo khadka dhexe.

Qalinkii:Mohamoud Batalaale

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions