Nin ku qarxay gudaha magaalada Kismaayo xili uu damacsanaa inuu Dad badan isku qarxiyo(Magaciisa iyo Muuqaalkiisa)

2017-03-13 21:03:04

Nin loo maleynayo inuu sitay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay nawaaxiga masjidka Xaaji Jaamac ee xaafada Faanoole ee magaalada Kismaayo.

Waxaa loo  maleynayaa in ninkan qarxay uu katirsanaa Alshabaab uuna ku tala jiray in weerar ka dhex fuliyo magaalada Kismaayo.Waxaa adag in warbixin dheeraad ah laga helo ninka isqarxiyay maadaama jidhkiisu googo’ay.


Magaalada Kismaayo ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabada badan Koonfurta Somalia,waxaana arintaas ku amaanan nabadsugida Jubaland oo dedaal dheeri ah geliyay sugida amniga magaalada Kismaayo.

Sida ay xaqiijiyeen ciidamada nabadsugida Jubaland sawirkan waa  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jical oo ku magac dheeraa Bashaal  ahaana ninkii maanta keligiis ku qarxay agagaarka masjidka xaaji jaamac ee xaafada Faanoole ee magaalada Kismaayo.Ninkan ayaa la sheegay inuu dawo ku iibin jiray suuqa Balcad ee magaalada Kismaayo.Nabadsugida waxay sheegtay in mudaba ay dabasocdeen ninkan oo kamid ahaa maleeshiyaadka Alshabaab.Majirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxan ,sidoo kale lama sheegin halka uu la maaganaa qaraxa fashilmay.Ciidamada nabadsugida Jubaland ayaa la filayaa in maalinta beri ahaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhaxdadan maanta ka dhacday magaalada Kismaayo

Source.Dhanaanmedia

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions