Ma kaa Qosliyaa?Caqli xumadda Xamar taal:Xaqii Ciidamadda Muqdisho ee gadooday waxaa qaatay Ciidamada Gadoodsan ee Puntland:Qalinkii:Tooshka Wareega

2017-03-13 14:27:48

Kadib markii shalay Ciidamo ka tirsan Beelaha Hawiye oo Habar-Gidir iyo Abgaal ay Isbaaro Qabyaaladeysan u dhigteen Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo,ayaa waxaa Maqaayadaha Muqdisho iyo goobaha fadhi ku dirarka lagu murmayaa,Xaqii Ciidamadda Beelaha USC waxaa dhacay Ciidamadda gadoodsan ee Puntland.

Waxay ku leeyihiin  Caqli-xumadooda 3500 magac Taliska Ciidamada xoogga dalka oo ay u yaqaaniin(Ciidanka Hawiye)ee magaca Soomaali ku qaraabta  ayaa ku soo baxday fadeexad ah in mushaarkii ciidamo gaaraya illaa 3,500 oo isugu jira ciidamo Milateri ciidanka Badda, cirka u wareejiyay deegaanada Puntland, waxaa magacyadooda ku qaadan-jiray Ciidamo  Puntland ah ,iyadoo arintan xatooyadda ay ku eedeeyeen Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Waa ayaan-darro Madaxweyne muddo Bil ah xukunka haya oo aan weli xitaa Reysalwsaaarihiisa aan Golle Wasiiro soo dhisin in lagu tuhmo inuu Mushaarka Ciidanka Muqdisho u xawilay Puntland.

Ciidanka lagu tuhmayo inay dhaceen Mushaarka Ciidamadda Xamar ayaa sidda aan la socono,waxa ay gadood ka sameeyeen Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,iyagoo ku doodaya Mushaarkoodda muddo 3-sanno ah inay ka inkireen Xukuumadda Xaflad-Joog ee Puntland,waana nasiib-darro Ciidan aan mushaar qaadan oo C/weli Gaas gaajo ku dilay,inay Reer Muqdisho ku doodaan inay xaqoodii dhaceen oo mushaarkoodii Puntland loo wareejiyay.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions