Sheekh Cumar C/raxmaan oo ku dhex Geeriyooday Xabsi Mareykanka ku yaaal(Taariikh nololeedka Sheeka?

2017-02-19 05:34:16



Sheekh Cumar C/raxmaan  ayaa in ka badan 25 sanadood ku xirnaa Xabsi kuyaal USA,Allaha unaxariistee waxaa xabsi kuyaal gudaha wadanka Mareykanka ku geeriyooday sheekha caalimka ah Dr.Cumar Cabdi Raxmaan oo in kabadan 25 sanadood u xirnaa Mareykanka.

Gabadh uu dhalay Sheekh Cumar ayaa baraha bulshada ee Internetka ku sheegtay in aabaheed uu dhintay maanta gelinkii dambe kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaysay.

Sheekha ayaa tacdiibin iyo jirdil daran kala kulmay saraakiisha ammaanka Mareykanka sanadadii uu u xirnaa, dhimashada sheikh Cumar Cabdi Raxmaan ayaa imaanaysa xilli dowladda Mareykanka ay maalin ka hor sheegtay in ay uwareejin doonto dhanka wadanka Qadar islamarkaana ehelkiisa ay uyeertay si ay ugu wehliyaan safarkii lagu geyn lahaa Qadar.


Taariikh Nololeedka Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan?

Alle ha unaxariistee Sheekh Dr. Cumar Cabdi Raxmaan ayaa ku dhashay degmada Al-daqlahiyah ee dalka Masar sanaddii 1938, isagoo 11 sana jir ah ayuu Aragga belay isla sanadkaas ayuu dhammeeyay xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Sanaddii 1960 ayuu shahaadada Dugsiga sare ee Thaanawiga ka qaatay Al-azhar sidoo kale sanaddii 1965 ayuu ka qallin jabiyay kuliyadda Usuusha diinta ee magaalada Al-qaahira wuxuuna shahaadadaasi ku helay martabadda Mumtaazka ee ugu sarraysa.

isla sanadkaas ayay wasaaradda Awqaafta iyo diinta Masar siisay ijaazada in uu imaam ka noqon karo masaajidda Mandiqadda Alfayuum.

Sheekha oo ahaa daaci aan xaqqa qarin ayaa dhuunta ugalay xukuumadihii faasidiinta ahaa ee Masar soo maray, sanaddii 1981 bishii November ayay xukuumadda Masar Xabsiga dhigtay waxaana lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilkii Anwar Saadaad.

Balse bishii October 1981 ayay maxkamadda Melleteriga Masar xukun kale ku ridday sheekha oo xilligaasi ku eedaysnaa aas-aasidda Jamaacada Islaamiga Masar iyo ku lug lahaashiyaha dilkii Anwar Saadaad.

Sanaddii 1993 ayuu Sheekh Cumar u safray wadanka Mareykanka balse sanaddii 1997 ayay dowladda Mareykanka xabsi daa’in ku ridday isagoo ku eedaysan in uu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada New York islamarkaana uu faafinayay wax ay ugu yeereen Xigrnimada.

Sirdoonka Masar ayaa gacan weyn kulahaa in dowladda Mareykanka ay xabsi daa’in ku xukunto Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions