Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhiga Berbera waa sharci:Safiirka Soomaaliya u fadhiya UAE Ambassador C/qaadir Sheekheey(Abu-Barawaani)

2017-02-17 09:43:05

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Ambassador C/qaadir Sheekheey(Abu-Barawaani) oo Magaaladda Dubai kula shiray Wasiiro iyo Ganacsato ka tirsan Somaliland,ayaa sharci ku tilmaamay heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee dhigayay Dekedda Ber-Bera iyo Saldhiga Ciidanka Ciidanka in muddo 15-sanno ah lagu wareejiyo Dawladda UAE.

Safiirka ayaa arin lala yaabo ku tilmaamay,hadaladii ka soo yeeray Hanti-dhawrka guud ee Dawladda Federaalka,waxaana uu sheegay heshiiskan inuu sharci yahay oo isaga iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay qalinka ku duugeen,in Dekedda Berbera iyo Saldhiga Ciidamadda laga kireeyo muddo 15-sanno ah Xukuumadda Imaaraadka-Carabta,waxaana uu talo ku siiyay Xukuumadda cusub inay ka wantoowdo inay dhag jalaq usiiso Dawladda Iiraan oo Saxaafadaheeda buun-buuninaya heshiiskan si ay isku dhuftaan Soomaaliya yo UAE.

 

Ambassador C/qaadir Sheekeey ayaa uga digay Xukuumadda cusub inay soo fara-galiso heshiiskan,waxaana talo ku siiyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabsaddo hehiiskan buuqa fara badan ka dhex dhaliyay 2-da Dawladood ee walaalaha ah.

Shacabkamedia-Dubai:UAE

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions